Dacwadda badda oo maanta uu gudbinayo xeer ilaaliyaha qaranka

Dacwadda badda oo maanta uu gudbinayo xeer ilaaliyaha qaranka

Dacwadda badda oo maanta uu gudbinayo xeer ilaaliyaha qaranka

Moment Research & Consultancy –   Soomaliya ayaa maanta si rasmi ah waxay dacwad uga gudbinaysaa dalka Kenya oo ay ku eedeysay in ay si sharci darro ah ugu qabsatay baddeeda.

Murankan waxa uu salka ku hayaa lahaanshaha qaybo kamid ah soohdinta xadka badda laabda dal, oo badhitaano lagu sameeyey la sheegay in laga helay khayraad dabiici ah.

Dacwadda maanta waxa ay imaanysaa maalamo kadib markii ay Kenya sheegtay in ay Muqdisho ka heshay balanqaad ah in muranka badda wadahadal lagu xallin doono.

Sharciyaqaano iyo xubno matalaya dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud Axmed Cali Daahir ayaa gaaray magaalada the Hague, kuwaas oo si rasmi ah u gudbin doona dacwadda.

Axmed Cali Daahir oo u warramaya BBC-da ayaa sheegy in dacwadda laga fursan waayay maxkamadda kaddib markii isfahanka ay Kenya doonayso noqday mid aan waafaqsanayn daanta Soomaaliya.

image

xeer-ilaua Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa gaaray shalay gelinkii Dambe Magaaladda Amsterdam ee Dalka Holland si uu ugu gudbiyo Dacwadda Badda ee Soomaliya iyo Kenya Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda (ICJ). Xeer ilaaliyaha waxa uu berito oo isniin ah oo ay Taariikhduna tahay 13ka july u gudbin doona Maxkamadda Hague galka Dacwadasi isagga oo ay wehliyaan qubaradii diyaarisay Dacwada oo isugu jira Soomaaliya iyo dad kale oo ajaanib ah. Haddaba Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday ineysan meesha ka saarin Dacwada Badda ee Soomaaliya ay u qabto Dowladda Kenya. Dhulka Badda ee lagu muransan yahay ayaa ah Qiyaastii 142,000 Km oo laba jibbaaran. Waxa Dacwada qaadi doonna 15 Garsoore oo ay ku jiraan Gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka maxkamadda Caaalamiga ee Cadaaladda (ICJ). Haddii Soomaaliya ay si rasmi ah u gudbiso Dacwadan waxa ay soo bixi doontaa Natiijada Dacwadasi horaanta Sannadka soo socda ee 2017ka. Waxa xusid mudan in Go’aanka Maxkamadda ay rido uu yahay mid aan ka noqosho laheyn oo aan laga qaadan karin wax racfaan ah.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa gaaray shalay gelinkii Dambe Magaaladda Amsterdam ee Dalka Holland si uu ugu gudbiyo Dacwadda Badda ee Soomaliya iyo Kenya Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda (ICJ).
Xeer ilaaliyaha waxa uu berito oo isniin ah oo ay Taariikhduna tahay 13ka july u gudbin doona Maxkamadda Hague galka Dacwadasi isagga oo ay wehliyaan qubaradii diyaarisay Dacwada oo isugu jira Soomaaliya iyo dad kale oo ajaanib ah.
Haddaba Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday ineysan meesha ka saarin Dacwada Badda ee Soomaaliya ay u qabto Dowladda Kenya.
Dhulka Badda ee lagu muransan yahay ayaa ah Qiyaastii 142,000 Km oo laba jibbaaran.
Waxa Dacwada qaadi doonna 15 Garsoore oo ay ku jiraan Gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka maxkamadda Caaalamiga ee Cadaaladda (ICJ).
Haddii Soomaaliya ay si rasmi ah u gudbiso Dacwadan waxa ay soo bixi doontaa Natiijada Dacwadasi horaanta Sannadka soo socda ee 2017ka.
Waxa xusid mudan in Go’aanka Maxkamadda ay rido uu yahay mid aan ka noqosho laheyn oo aan laga qaadan karin wax racfaan ah.

 Soomaaliya hadda ayay gudbisay dacwadda badda ee ka dhanka ah Kenya. Waxaa gacanta laga saaray, Diiwaan hayaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda oo ku taal magaalada Hague, dalka Netherlands.


Soomaaliya hadda ayay gudbisay dacwadda badda ee ka dhanka ah Kenya. Waxaa gacanta laga saaray, Diiwaan hayaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda oo ku taal magaalada Hague, dalka Netherlands. Guul ALLOOW

 Dacwadda badda Soomaaliya oo ku jirta baakad culus ayaa waxaa gacanta ku haya Xeer Ilaaliyaha, Axmed Cali Daahir. Danjire Cali Faqi iyo Diplomaasii Cali Maxamed Abuukar (Wolf) Soomaaliyeed ayaa la taagan. Goor dhow ayaa la gudbin doonaa.


Dacwadda badda Soomaaliya oo ku jirta baakad culus ayaa waxaa gacanta ku haya Xeer Ilaaliyaha, Axmed Cali Daahir. Danjire Cali Faqi iyo Diplomaasii Cali Maxamed Abuukar (Wolf) . Goor dhow ayaa la gudbin doonaa.

WAR DEG DEG AH: Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah goor dhaweyd u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda ee Hague, dacwad ka dhan ah dowladda Kenya oo la xiriirta muran dhinaca soohdinta badda. Wafdiga dowladda Soomaaliya ee dacwadda gudbiyay ayaa waxa hoggaaminayay, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir, oo ay la socdeen qareenno caalami ah oo u doodaya Soomaaliya. Ka soo dhiibo aragtidaada.

WAR DEG DEG AH: Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah goor dhaweyd u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda ee Hague, dacwad ka dhan ah dowladda Kenya oo la xiriirta muran dhinaca soohdinta badda.
Wafdiga dowladda Soomaaliya ee dacwadda gudbiyay ayaa waxa hoggaaminayay, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir, oo ay la socdeen qareenno caalami ah oo u doodaya Soomaaliya. 

image

image
History – July 13,2014
image

image

image
ARRIMAHA BADDA SOOMAALIYA SOMALI CHANNEL

Suaal Arimaha Badda Lagu Waydiiyay Madaxwaynaha Som Xasan Sh
SOMALI TV OF MINNESOTA

Posted on July 13, 2015, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. 3 Comments.

  1. SomaliArguments
    Yuusuf Garaad oo Qarxiyay Sir badan oo ku saabsan Boobka Badda&Dacwada la gudbin doono isniinta..

    Jul 9, 2015 –

    Maanta waxaan fursad u helay in aan la fariisto khubrada farsamo iyo qaanuun ee Soomaaliya ku matalaya dacwadda ka dhanka ah Kenya ee ku saabsan soohdinta badda ee labada dal.

    Aad ayay ugu mashquulsanaayeen dhammaystirka iyo hubinta dhammaystirka gal Dacwadeedka Soomaaliya oo Isniinta si rasmi ah loogu gudbin doono Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda.

    Waxayse iga aqbaleen in ay iiga jawaabaan su’aalo kooban:

    Waxaan ogeyn in Dacwadda badda la gudbiyay sannadkii 2014. Maxaa keenay in Isniinta la gudbinayo mar kale?

    Dacwadda markii ugu horreysay waxay Soomaaliya geysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda 28 August 2014. Sida nidaamka Maxkamaddu uu qabo waxay ahayd Dacwad kooban oo ah codsi muujinaya waxa laga cabanayo iyo sababta.

    Ka dibna markii ay Maxkamaddu ka soo baaraan degtay in kiiskaasi yahay mid ay geli karto ayay isugu yeertay labada dhinac; kan dacwoonaya oo ah Soomaaliya iyo kan iska daafacaya dacwadda oo ah Kenya.

    15kii Oktoobar 2014 ayaa Soomaaliya iyo Kenya ay isku hor fariisteen Maxkamadda Caalamiga ah ee Hague si go’aan looga gaaro jadwalka iyo qaabka dacwadda.

    Dood ay Kenya damacday in dib loo dhigo dacwadda ama wakhtigeedu daba dheeraado iyo Soomaaliya oo isku dayday in wakhtigu koobnaado oo go’aanku dhakhso u soo baxo ayay Maxkamaddu dhegeysatay labada dhinac ka dibna ay iyadu go’aank ku gaartay sidan:

    In Soomaaliya ay soo gudbiso dacwad dhammaystiran oo wadata dokumenti markhaati ah oo muujinaya in badda lagu muransan yahay ay Soomaaliya leedahay – 13ka July 2015. Kiiska oo dhammaystiran.

    Kenya iyada waxaa loo qabtay 26ka May 2016 in ay soo gudbiso wixii ay isku difaaceyso.

    Muxuu le’eg yahay bedka badda lagu muransan yahay?

    Qiyaastii waa 142,000 Km oo laba jibbaaran.

    Dacwaddan, Yaa Soomaaliya matalaya?

    Qareenno iyo khubaro isugu jira Soomaali, Mareykan, Faransiis iyo Ingiriis oo heer caalami ah ayna ka mid yihiin shakhsiyaad iyo sharikado kuwa adduunka ugu wanaagsan kiisaska noocaan ah.

    Ma taqaanniin cidda mataleysa Kenya?

    Maya. Go’aanka yaa gaaraya?

    Garsoorayaasha Maxakamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu waa 15 ay ku jiraan Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen. Iyaga ayaa wadajir uga fariisanaya go’aanna ka gaaraya.

    Sida xeerka Maxkamaddu uu qabo, haddii Garsoorayaasha Maxkamadda uu ka mid yahay qof u dhashay labada dal ee is dacweynaya midkood, waxaa dalka kale loo oggol yahay in Garsoore dalkeeda ka socda uu dacwaddaas marka la qaadayo oo keliya uu la fariisto Garsoorayaasha Maxkamadda.

    Sidaa darteed, maaddaama Guddoomiye ku xigeenka Maxkamaddu uu yahay Garsoore Soomaali ah, waxaa Kenya u bannaan in ay Gasoore Kenyan ah ay u soo dirsato in uu la fariisto Garsoorayaasha Maxkamadda marka ay kiiskan go’aan ka gaarayaan.

    Goorma ayaa la fili karaa go’aanku in uu soo baxo?

    Horraanta 2017.

    Inta ka horreysa sharikadaha shidaalka ka baaraya badda ee Kenya u baaraya Maxkamaddu ma ka joojineysaa?

    Maya. Inkasta oo ay noo furnayd in aan arrintaa dacwad ka furno, haddana ma aynaan weydiisan. Sababta oo ah waxay noqon lahayd in laba loo kala qaado dacwooyinka. Oo marka hore la qaado dacwad ku saabsan joojinta. Inta aan loo gelin xadeynta badda.

    Waxaan u aragnay in taasi ay sii daahineyso wakhtiga ay baddeennu nagu soo wareegeyso.

    Laakiin intaa ugama aynaan harin. Waxaan toos ula xiriirnay Sharikadaha shidaalka ka baaraya badda. Digniin ayaan siinnay. Qaar badani way ka baxeen. Kuwa ku harayna waxay Dowladda Soomaaliyeed ku soo rogtay ganaax maalinle ah.

    Marka ay Maxkamddu xukun riddo, ma laga qaadan karaa rafcaan?

    Maya. Go’aanka Maxkamaddan waa in sidiisa loogu dhaqmaa waana kama dambeys.

    Maxay la eg tahay rajada in Soomaaliya ay ku guuleysato in ay Baddeeda si sharci ah dib ugula soo noqoto?

    Aad iyo aad ayay u sarreysaa. Marka la eego go’aammadii hadda ka hor laga gaaray kiisaska noocaan ah iyo weliba caddeeymaha farsamo iyo kuwa qaanuun ee la hayo, aad iyo aad ayaan ugu rajo weyn nahay in aan ku guuleysanno dacwaddan.

    Xaggee lagala socon karaa macluumaadka Dacwaddan?

    Dadka af Ingiriiska akhriyaa waxay kala socon karaan barta internetka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda.

    G. Waxaan u fasaxayaa Baraha Internetka ee doonaya in ay sii daabacaan qoraanlkan, haddii aanay waxba ka beddelin.

    Like

  2. Global Somali Diaspora
    Dowladda oo Maanta Maxkamadda u Gudbinaysa Dacwada Badda.

    Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Somalia oo uu Hoggaaminayo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. AxmedCali Daahir ayaa Maanta u gudbinaya Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ oo xarunteedu tahay Wadanka Netherlands dacwad ka dhan ah muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

    Sida Qaanuunka Maxkamadda u yaalla uu qabo, dalka Kenya oo ah midka laga gudbinayo dacwadda ayaa xaq u leh inuu muddo sideed bilood ah oo marka laga gudbiyo dacwadda ka billaabanaysa uu kaga jawaabo-celiyo, taasoo micnaheedu yahay in Bisha Maarso ee Sannadka soo socda uu dhageysiga dacwaddan si rasmia ah u billaabanayo.

    Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Axmed Cali Dahir oo la hadlay BBC-da ayaa rajo ka muujiyay in dacwaddu ay guuleysan doono, isagoo intaas ku daray in dacwadan muddo labo sano ah laga soo shaqeynayay.

    “Dacwada aan maanta gudbinayno laba sano ayaa laga soo shaqeynayay, waxaan jeclaan lahaa in ummadda Soomaaliyeed inay dowladda Somalia ku kalsoonaadaan iyo weliba dadka dacwaddan u taagan. Waxaan ugu bishaareynayaa Ummadeenna in dacwaddu ay tahay mid ay ku helayaan xaqooda, waxaana heysanaa kalsooni aad u weyn oo ah in dacwaddan ay guuleysanayso,” ayuu Xeer Ilaaliyaha Qaranku yiri.

    Sidoo kale, Axmed Cali Daahir ayaa waxaa ku wehlinaya safarkiisa Qareeno caalami ah, iyadoo horay Dowladda Federaalka Somalia uga soo saartay hadal cad oo ah in aysan Gor-gortan geli karin badda Soomaaliya.

    Ugu dambeyn, Muranka xuduud badeedka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo jiitamaysay muddo dhowr sannadood ah, iyadoo mas’uuliyiinta Dowladda Somalia ay ka dhawaajiyeen inay dacwaddan gudbiyeen, kaddib markii si hoose lagu xallin waayay murankan.

    Like

  3. SomaliaObservatory
    Somalia Oo Maanta Si Rasmi Ah U Gudbisay Dacwadda Badda Ay Ku Muransan Yihiin Kenya Iyo Waxa Laga Fili Karo.

    Dacwadda maanta waxa ay imaanysaa maalmo kadib markii ay Kenya sheegtay in ay Muqdisho ka heshay balanqaad ah in muranka badda wadahadal lagu xallin doono.

    Sharciyaqaano iyo xubno matalaya dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud Axmed Cali Daahir ayaa gaadhay magaalada the Hague, kuwaas oo si rasmi ah u gudbin doona dacwadda.

    Axmed Cali Daahir oo u warramaya BBC-da ayaa sheegay in dacwadda laga fursan waayay maxkamadda kaddib markii isfahanka ay Kenya doonayso noqday mid aan waafaqsanayn daanta Soomaaliya.

    Xeer ilaaliyaha guud ee Somalia Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in Somalia wanaag iyo walaalnimo kula dhaqmayso jaarkeeda balse aanay baddeeda gorgortan ka galayn “Arrinta badda Somalia waa arrin aan dawladda Somalia iyo umadda Somalia ba gorgortan ah iyo waan-waan midna ka gali Karin. Dawladda Somalia markii ay fiirisay dhinacyo badan Kenyana ku qancin wayday inay si darisnimo iyo wanaag leh badda Somalia faraha ugala baxdo, ayay Somalia go’aansatay inay Maxakamadda oo ah halka kali ah ee lagu kala baxo u gudbiso” ayuu yidhi Xeer ilaaliyaha Somalia.

    Dhanka kale xeer ilaaliyaha Kenya oo ka hadlay dacwaddan Somalia u gudbisay Maxakamadda aduunka ayaa ku doodaya in Kenya ku guulaysan doonto dacwadaasi “Somalia waa dal madaxbannaan, xaq ayaanay u leedahay talaabada ay aaminsan tahay inay dani ugu jirto, balse Kenya waxay aaminsan tahay inaanay Somaila sharci u lahayn inay sheegato qayb ka mid ah badda Kenya, waa arrin cad oo waadax ah marka la fiiriyo sharciga caalamiga ah ee xakameeya xuduudaha badda. Kenya waxay doonaysaa inay dagaalkan gasho iyadoo adeegsanaysa dariiqa Somalia xulatay ee ah maxakamadda caddaaladda ee dunida, Kenya waxay aaminsan tahay inay ku guulaysan doonto arrintan” ayuu yidhi Xeer ilaaliyaha Kenya.

    Weftiga Somalia u gudbiyay dacwadan oo uu hogaaminayo xeer ilaaliyaha guud oo ay weheliyaan khuburo ka caawinaysa dacwada ayaa haatan ku sugan xarunta maxakamadda ee The Hague, lamana saadaalin karo natiijada dacwadaasi ku saabsan soohdinta badda ee Somalia iyo Kenya oo ah meel qani ku ah khayraadka dabiiciga ah.

    SomaliaObservatory

    Like

Leave a comment