Monthly Archives: November 2015

Qormo Xiiso Badan: Amuu Federaalkaan, Filonardi Nagu Noqdaa?

image

Qormo Xiiso Badan: Amuu Federaalkaan, Filonardi Nagu Noqdaa?

Muqdisho(MPO)-Hor iyo horaanba, Soomaalida waa ummad walaala ah, isku af ah, isku diin, isku dhaqan ah, isku hiddo ah, nasiib darase “ISKU CAQLI AH”. Arrintaan danbe ayaa keentay inay koortii meel ka dhawaaqdaba inay sidii xoolihii hal mar dhegta kor u qaadaan, oo haddii midkooda dhankaas u dhaqaaqa la iska daba kaco. Cidi isma weydiiso, “War koortaan maqleeno ma koor xoolo jinnaa, mise waa reer agaheenna soo degay?”

Taariikhda qoran waxay tilmaameysaa in kun sideed boqol iyo sideetamaadkii, nin Reer Boontaland uu Sansibaar kula kulmay nin Talyaani ah oo la yiraahdo Filoonardi, isagoo wax hubsaninna uu keenay Hobyo una saxiixo inay Hobyo wixii ka hooseeya ay yihiin maxmiyadda Talyaaniga. Boqorkii Gobolka Bari oo tartan siyaasadeed iyo mid dhaqaale kula jiray walaalkiisii Hobyo u cararay, ayaa isna yuusan kaa badinin intuu lahaa Filonaardi u saxiixay warqad maxmiyad Talyaani ah looga dhigayay Gobolkii Bari (Magiurtinia).

Danta ninka la yiraahdo Filonardi ma ahayn qabsashada dhul lama degaan ah oo cidlo ceersi la’ ah, balse wuxuu u hanqal taagayey siduu u heli lahaa dhulbeereed, laga tabco waxyaalaha aan laga helin Talyaaniga sida mooska, canbaha iyo babayga. Xeebaha Banaadir illaa Kismaayase waxaa ka talin jiray talis hoos taga Boqorkii Cummaan ee Saciid Barkhash. Talyaaniga oo arrintaas dhabar jabin rabay, ayuu boqorkaan kor ku soo sheegay walaalkiisa ku amray inuu Filinardi geeyo Muqdisha, Marka iyo Kismaayo, Soomaalida halkaas degganna u sheego in la hubeynayo sidii ay iskaga raacdeyn lahaayeen askartii Saciid Barkhash. Waxaa Muqdisho iyo Marka ku soo xirtay markab Talyaani ah oo watay sarkaal la yiraahdo Sorrentiino, waxaase markabkaas la saarnaa Boqorkii Bari walaalkiisa. Read the rest of this entry