Dimuqraadiyaddu waa oraah qalaad, ka kooban laba eray oo macnaheeda lagu soo koobo in shacabku leeyahay awooda is xukunka

imageDimuqraadiyaddu waa oraah qalaad, ka kooban laba eray oo macnaheeda lagu soo koobo in shacabku leeyahay awooda is xukunka

 Moment Media Ethics – Dimuqraadiyaddu waa oraah qalaad, ka kooban laba eray oo macnaheeda lagu soo koobo in shacabku leeyahay awooda is xukunka, ama si kale haddaan u dhigo markii la tartamo qoladii ku guulaysata 51% in ay qaataan awooda maamulka iyo go’aan samaynta, inta kalena yihiin raaciyad.

Oday horjooge u ahaa degsiimadiisa ayaa xukun ku riday qofka lo’diisu daaqdo beer cid kale leedahay inuu buuxiyo ul joogeed oo miro ah. Maalin dambe ayaa lo’diisu daaqday beer qof kale lahaa, markaasuu amray in usha la jiifiyo, sidaas ayuuna ku baxay halqabsiga “la jiifiyaana bannaan”.

Qeexidda Dimuqraadiyadda

Dimuqraadiyadda waxay ku qeexaan nidaam ka duwan ama lidi ku ah kan qof keliya awooda isku gaar yeelo, waa hab maamuuleed dadka fursad u siinaya inay ku dabraan hogaamiyeyaashooda, oo markay doonaan doorasho ka dib xukunka ka tuuri kara kacdoon la’aan “karl Popper”.

Mabda’a dimuqraadiyadu wuxuu ku soo ururaa in qolada tirada badan xaq u leeyihiin awooda hogaamineed iyo qaraar samaynta, kuwa kalena noqdaan raaciyad iyadoo la dhowrayo xuquuqdooda asaasiga ah, waxayna si wadajir ah u ilaaliyaan xorriyada hadalka, fikriga iyo warbaahinta.

Qaababka Dimuqraadiyadda

Waxaa jira qaabab badan oo dimuqraadiyadu u sii kala baxdo, laba nooc ayaana asaas u ah; midka hore waa kan codbixiyuhu si toos ah oo firfircoon uga qayb qaadanayo go’aan samaynta xukuumadeed, tan kalena coddhiibtuhu si dadban ayuu ugu lug leeyahay awooda siyaadadeed.

Marka laga soo tago qaababka xukuumadaha ku dhisan dimuqraadiyaddu leeyihiin, waxaa kaloo jira hab maamullo kale oo badan sida nidaamka boqortooyada, mid koox gaar ah oo dadka intiisa kale u sandulaysan yihiin iyo nidaamka kelitalisnimada ku dhisan ha ahaado militeer ama nooc kale.

Aragtida Dimuqraadiyadda

Dowlado badan ayaan qaadan nidaamkan, oo u arka in uu lid ku yahay danahooha. Dowladahan waxay isugu jiraan kuwo ku dhaqma boqortooyo, xukun militeer, ama nidaamyo kale, kuwaasoo dowladaha dadka ku ijbaariya dimuqraadiyada raali ka yihiin maadaama maslaxadooda ay ka dhex arkaan.

Maslaxadaas oo isugu jirta mid diimeed, dhaqaale iyo istiraatijiyadeed, waxaana tusaale u ah dalalka khaliijka, iyo dowlado badan oo ka tirsan qaaradaha caalamka, kuwaasoo aan ku dhaqmin hannaanka dimuqraadiyada, qaarkoodna si maldahan ama la xeeladeeyay ugu dhaqma.

Qaar ka mid ah dowladahaas waxay u fulliyaan kuwa nidaamkan horbooda maslaxad ka badan tan ay ku heli lahaayeen qaadashada nidaamka dimuqraadiyadda ama waxay leeyihiin awood dhaqaale iyo mid difaac oo ku dhalin karta loolan adag oo fashiliya sheegashada hannaankaas.

Fashilkii Dimuqraadiyadda

Fashilka dimuqraadiyada waxay soo bilaabtay sannado badan ka hor; dalka Aljeeriya 1991kii, wareeggii koowaad ee doorashada markii la ogaaday in uu ku horeeyo xisbiga FIS ayaa ciidanku afgambi dhiig ku daatay ku joojiyeen doorashadii, sidoo kale xamaasta Falastiin ayaa la diiday.

Dhacdooyinkaas iyo kuwo kale oo ka horeeyay ama ka dambeeyay waxay ku tusaysaa in xukunka aan loo ogollayn qolooyinka mabda’ ahaan ka soo horjeeda masaalixda reer galbeedka, dimuqraadiyad kasta oo ay u maraan hanashada hogaanka siyaasada dalalkooda.

Gu’gii Carabta

Gu’gii carabta waxa ay ugu yeeraan, ee sababay in laga eryo dalalkooda hogaamiyeyaal dhowr ah oo wakiilo u ahaa quwado kale oo u awood sheegta, laakiin aan ku dhaqmin dimuqraadiyadda, ayaa dadkii dulmiga ka dhiidhiyay moodeen tartan iyo dimuqraadiyad in lagu gaaro xukunka.

Waxay safaf dhaadheer u galeen sanaadiiqda codbixinta, dabadeed qaarkood waxay ku guulaysteen coddayntii si dimuqraadi ah, aqlibayad iyo in ka badan. Arrintaasi ma farxad gellin dowladihii dimuqraadiyada horboodayay, oo waxay ka dhex arki waayeen masaalixdooda gaarka ah.

Afgambigii Masar

Dalka Masar, waxaa ka dhacay doorasho nin iyo codkiis ah oo ay ku tartameen xisbiyo iyo xullufooyin dhowr ah, waxaana ku guulaystay xisbiga walaalaha muslimiinta ee uu hogaamiyo Maxamed Mursi. Doorashadaas, sannad ka dib waxaa lagu tilmaamay mid aan dimuqraadiyad ahayn.

Isu soo bax ay sameeyeen dhaqdhaqaaqa Tamarud ayay ciidanku ku kala direen gollihii wakiilada, xilkana kaga xayuubiyeen madaxwaynihii la soo doortay, islamarkaana wax kama jiraan ka dhigeen dastuurkii dalka ka jiray, askartuna si xeeladaysan u maamushay afgambigaas.

Dowladihii u abtirsan jiray dimuqraadiyadda kama hadlin afgambigaas, waxayna yiraahdeen dimuqraadiyadu maaha santuukh lagu codeeyo oo keliya, ee waa raali gellinta kuwa tirada yar. Iswaydaarsannaanta hadalladoodu waxay daaha ka fayday macnaha dhabta ah ee dimuqraadiyadda.

Gebagabo iyo Gunnaanad

Hadaba, waxaa iswaydiin mudan maxaa lagu macnayn karaa nidaamkan mar haddii uusan ahayn cod la dhiibto iyo sanaadiikhda doorashada oo lagu kala baxo?, kuwii tirada yaraa wax ha hogaamiyaan, soo noqon mayso la jiifiyaana bannaan. Maxay tahay fasiraada qarsoon ee dimuqraadiga?.

Dimuqraadiyadu maaha siday dadka badankiis u arkaan, ee waa caqiidada nidaamka cusub ee dunida oo si dadban loogu hogaansado shucuub kale iyadoo awood dhaqaale, iyo mid ciidan lagu cabsi gellinayo si loogu gaaro maslaxad gaar ah, sidii uu ku sifeeyay Buushkii yaraa ee Maraykan.

Si kastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin in masaalixdu ka wayn tahay mabda’a. Hadaba, maxay dadka sanka uga gellinayaan hab xukumeedkan iyaguba ay baal marayaan, maxay ula dagaalamayaan nidaam maamuleedyada kale ee caalamka ka jira, mar haddii aysan ku dhaqmeen kooda?.

Waa inoo fallanqayn dambe.

Posted on August 1, 2015, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a comment